R/Wasaaraha dowladda Xabshida Itoobiya, ninka lagu magacaabo Abiy Axmed ayaa mar kale ku celiyey in Itoobiya aysan marnaba ka tanaasulayn damaceeda gurracan ee bad-raadiska ah, isla markaana ay sii wadayso dedaalladaasi ilaa inta laga xaqiijiyo yoolkaasi.
Abiy Axmed, ayaa arrimahan ka sheegay khudbad uu Sabtidii shalay ka jeediyey furitaanka Madasha TANA oo dalalka qaaraddu ay kaga arrinsadaan wax ay ku sheegeen Amniga Afrika, taas oo sannad walba ay ka qayb-galaan madax, diblomaasiyiin iyo khubaro Afrikaan ah.
Shirkan oo inta badan lagu qabto Bahardaar oo ah xarunta gobolka Amxaarada, ayuu Abiy Axmed si aan gabbasho lahayn uga caddeeyey, in aysan suuro-gal ahayn in malaayiinka ruux ee Itoobiyaanka ah ay kusii jiraan xaalad bad la’aan ah, isagoo helista marin-badeedkana ku tilmaamay arrin ku xiran jiritaanka Itoobiya.
"Mudanayaal iyo marwooyin, dal ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof, in marin-badeed ay helaan, waa arrin ku xiran jiritaankooda. Bal qiyaasta inaad qorshaynayso mustaqbalka jiilal badan oo soo socda, iyadoo waddo kasta oo dunida inteeda kale lagu gaarayana ay khasab tahay inay marto dalal kale…” Ayuu yiri Abiy Axmed.
Iasgoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyey, "Sidaas darteed, in marin-badeed aanu helnaa, waxay khusaysaa amnigeenna, madaxbannaanideenna iyo mustaqbalka carruurteenna. Waanan sii wadaynaa raadintan arrintan…”
Shirka uu Abiy Axmed hadalkan ka jeediyey oo uu soo qabanqaabiyey Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Amniga ee Jaamacadda Addis Ababa, ayaa mas’uuliyiinta ka qayb-gashay waxaa ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Ghana, Burundi, Mozambique iyo madaxweyne-ku-xigeenka Kenya.
Maalin ka hor ayay ahayd, markii gogol-xaarka isla shirkan uu taliyaha sirdoonka Itoobiya kaga dhawaaqay in arrimaha amniga badda aan lagu fiirsan karin oo keliya dalalka xeebaha leh, arrintaas oo bannaanka keentay sida ay Itoobiya u sii laba-jibbaartay damaceeda bad-raadiska ah.
R/Wasaaraha Itoobiya, horey ayuu marar badan u sheegay in xoog ama xeelad uu mid uun ku xaqiijin doono yoolka badeed ee Itoobiya, waxaanu 2024-kii, heshiis xaraan ah la saxiixday madaxii hore ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, kaas oo dhigayay in Itoobiya ay qaadato qaybo ka mida xeebaha waqooyi galbeed Soomaaliya.
